Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa loo yaqaano Haramcad ayaa lagu dilay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dilka askari waxaa lagu waramay in uu ka dhacay nawaaxiga huteel la dejiyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug, oo halkaas ku sugan.

Ciidamo kale oo ilaalo ka haayey goobta ayaa la tilmaamay in ay rideen xabada dishay askariga kadib markii ay ka shakuyeen.

Ma jirto wax war ah oo ku saabsan dhacdadaas oo illaa iyo haatan kasoo baxday dhanka mas’uuliyiinta amniga dowlad goboleedkaas.

Dilalka ay isku geysanayaan ciidamadda dowladda ayaa ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana sababa muran soo kala dhex-gala iyo kala shaki.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this