Deeq A. Posted April 16, 2020 Maxaad Ka Taqaan Astaamaha Cudurka Covid19? W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar) Korona fayrus waa nooc fayras caan ah oo keena infakshan ku dhaca sanka ama cunaha sare. Inta badan korona fayrusku khatar muu ahayn Laakiin horraantii 2020 ka dib markii uu ka dillaacay Shiinaha bishii Diseembar 2019 ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu u aqoonsaday covid2019 kaas oo noqon kara mid dilaa ah. Cudurkan ka dillaacay shiinaha ayaa si dhakhso ah ugu faafay adduunka oo dhan isaga oo ku faafaya xidhiidhka qof-ka-qof iwm Astaamaha cudurkani waxay ku soo muuqan karaan 2 ilaa 14 maalmood sida ay dhakhaatiirtu sheegeen ka dib marka uu qofka soo gaadho ama uu haleelo cudurku astaamahiisu waxay aad ugu eegyihiin astamaha hargabka caadiga ah waxana ugu caansan astaamahan hoos ku taxan. Neefsashada oo yaraata Sanka oo cabudha Madax xanuun Cune xanuun Qandho Qufac Neefsashada oo adkaata ama neefsashada oo dhib noqota Calaamadaha kale waxaa ka mid noqon kara: Daal Xumad badan Sanka oo dareera Shuban Matagid Oof wareen W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar) Suxufi madax banaan Hargeysa somaliland Email: Cabdiraxmaan800@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites