Deeq A. Posted April 16, 2020 Yurub (SMN) – Soomaalida ku nool wadamada Yurub ayaa la sheegay in ay kamid yihiin dadka ugu badan ee uu saameeyay Coronavirus. Sidda lagu sheegay warbixin cusub, sababta waxay tahay qaabka ay u nool yihiin iyo in ay ku badan yihiin goobaha dadka ku kulmaan. Wadamada Ingiriiska iyo Sweden ayaa waxay kamid yihiin meelaha ay geerida ugu badan ee Soomaalida laga soo wariyey. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Soomaalida iyo Ciraaqiyiinta ay yihiin qaxootiga ugu badan ee caabuqaan dilaaga ay uu saameeyay. Tan iyo markii uu bishii December ee 2019-kii uu ka dilaacay Shiinaha, Covid-19 ayaa ku dhacay laba milyan oo ruux; kumanaan kuna wuu dilay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites