Deeq A. Posted April 16, 2020 Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay guud ahaan caasimada ka dhaqan galay bandowgii dhawaan dowladu ay ku dhawaaqday ee xiliga habeenkii ah. Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo taliska booliska Soomaaliya ayaa xalay u kuurgalay qaabka uu ku bilowday bandowga maadaama habeenkii ugu horeeyay uu ahaa. Masuuliyiinta howlaha shaqo ku tagay isgoosyada muhiimka ah ee caasimada waxaa kamid ahaa gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka, Maxamed Cabdulaahi Tuulax iyo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar. Tuulax ayaa ugu horeyn la hadlay warbaahinta waxaana uu ka warbixiyay howsha bandowga sida ay ku socoto. Xijaar ayaa dhankiisa shacabka uga mahadceliyay sidda ay u qaateen awaamiirta dowlada, ciidankana waxa uu ku amaanay sidfa ay waajibaadkooda shaqo u gudanayaan. Bandowgaan xalay ka dhaqan galay Muqdisho ayaa salka ku haya ka hortag la doonayo in lagu xakameeyo faafitaanka fayruska Corona, oo haatan waddanka gaar ahaan Muqdisho ku sii faafaya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites