Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo ka taagan duleedka magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka magaaladaasi, taas oo u dhexeyso maleeshiyaad hubeysan.

Xiisada oo ah mid xoogan ayaa timid, kadib markii saacadihii la soo dhaafay labo qof oo Xoolo dhaqato ahaa lagu dilay deegaanka Yaaq Jiidii  ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dilka labadaasi qof uu salka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbalamd.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this