Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamadda Booliska Oo Xabsiga U Taxaabay Siyaasi Ka Tirsanaa KULMIYE Si Weyn Ugu Ololeeyay Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ciidamadda Booliska ee Soomaaliland ayaa xalay xabsiga u taxaabay siyaasiga Maxamed Abiib oo ka tirsanaan jiray xisbiga KULMIYE, waxaanu si weyn ugu ololeeyay Madaxweynaha tallada haya Muuse Biixi Cabdi, Xilna ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Maxamed Abiib ayaa hore hore u ahaa agaasimaha xarunta Komishanka Xakamaynta Aidska, waxaanu in dhaweyd ahaa siyaasi si madax-bannaan uga faallooda arrimaha siyaasadda.

Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxaya xadhiga Maxamed Abiib, waxaase xadhigiisa warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah saaxiibadiisa ugu dhaw.

Lama garanayo waxa xilligan keenay xadhiga siyaasi Maxamed Abiib.

Halkan hoose ka DAAWO muuqaal dib ku xasuusinaya sannadkii 2017-kii qaabkii uu Maxamed ugu soo ololeeyay Madaxweyne Muuse Biixi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this