Sign in to follow this  
Deeq A.

Fannaankii Weynaa Cumar Shooli Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee fannaankii weynaa ee Cumar Cabdulle Shooli.

Fannaanka ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho, iyadoona uu xalay ku geeriyooday Cisbitaalka Yardimeri.

Cumar Cabdulle Shooli oo ka tirsanaa Fannaaniintii Waaberi, laguna naaneysi jiray (Madaalihii Hobolada Waaberi) ayaa toddobaadkii la soo dhaafay Dowladda Federaalka ku eedeeyay inaanay waxba u qaban, isagoo hobol qaran ahaa.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ku hadlayay afka Dowladda Federaalka ayaa maanta ka tacsiyadeeyay geerida hobolka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this