Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo faah-faahisay amaradii ay soo saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka gaadiidka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Eelaay) ayaa sheegay in amarkii ka soo baxay maamulkaasi ee lagu hakiyay gaadiidka isaga kala gooshayey magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo in uusan sameyn doonin gaadiidka xamuulka ah ee badeecooyinka geeya deegaanada Koonfur Galbeed.

Xasan Eelaay ayaa tilmaamay in amarkaasi kaliya uu saameyn doono gaadiidka BL-ka ah ama dadweynaha ee isaga kala goosha magaalooyinkaasi.

Koonfur Galbeed ayaa wada dadaallo guud oo ay uga hortageyso cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo kiisas ka mid ah laga helay magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Wasiir-koonfur-galbeed-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this