Deeq A. Posted April 15, 2020 Wasiirka gaadiidka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Eelaay) ayaa sheegay in amarkii ka soo baxay maamulkaasi ee lagu hakiyay gaadiidka isaga kala gooshayey magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo in uusan sameyn doonin gaadiidka xamuulka ah ee badeecooyinka geeya deegaanada Koonfur Galbeed. Xasan Eelaay ayaa tilmaamay in amarkaasi kaliya uu saameyn doono gaadiidka BL-ka ah ama dadweynaha ee isaga kala goosha magaalooyinkaasi. Koonfur Galbeed ayaa wada dadaallo guud oo ay uga hortageyso cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo kiisas ka mid ah laga helay magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Wasiir-koonfur-galbeed-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites