Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin la rumeysan yahay in uu yahay amiirka Daacish ee Koonfurta Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin la rumeysan yahay inuu yahay madaxii ururka Daacish ee Koonfurta Somalia, kadib dagaal dhex-maray ciidamada iyo sarkaalkan ka tirsanaa Daacish.

Ninkaan magacaya badan looga yaqiinay gudaha kooxda ayaa lagu qabtay isku hor imaadka oo isaga iyo dabley uu watay ay ciidamada dowladda kula galeen degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa markii ay ninkan qabanayeen waxaa la sheegay in ay heleen xogta ah in ninkan iyo kooxda uu wato ay falal Muqdisho ka fuli rabaan falal amni darro, waxaana weli ku socda baaritaan.

Ninkan ayaa markii la qabanayey la rumeysnaa inuu yahay madaxa Daacish ee Koonfurta, hase yeeshee maaritaanka hay’adaha amniga oo su’aalo lagu weydiiyey ayuu ku beeniyey inuu xilkaas hayo.

“Waxaan rumeysanahay inuu yahay ninka aan dooneynay balse waa uu beeninayaa, waxaase ku socda baaritaan dheer ah, dib ayaana kasoo xaqiijin doonaa,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Caasimada Online.

Howlgalka lagu qabtay ninkan, oo ahaa mid qorsheysan, ayaa ciidamada ammaanka waxay kale oo ay kusoo qabteen laba qof oo kale, hubkoodii iyo gaari ay wateen, waxaana uu howlgalkan dhacay maalintii Axada ee 12-kii bishan April.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this