Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka bad-baaday qarax lala eegtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala damacsanaa gaari Cabdi Bile oo ku socdaalayey waddada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee defmada Kaaraan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online bartilmaameedka qaraxa ayaa wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo, Saney Cabdulle Gaab, kaas oo ay galbinayeen ciidamadu, waxaana la sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaas, islamarkaana uu dhacay waxyar kadib markii uu gudbay gaarigii uu saarnaa.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in waxyeelada ugu badan ay soo gaartay dad shacab ah oo ka agdhowaan galkaasi.

Ugu yaraan illaa afar qof oo rayid ahaa ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo miino ahaa, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wuxuu burbur soo gaaray mootooyin nooca Bajaajta ah oo marayey wadada uu qaraxu ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah la beegsata ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala gooshaya gudaha magaalada Muqdisho.

33.jpg 11.jpg 22.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this