Deeq A. Posted April 14, 2020 Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dhaqdhaaqa Al-Shabaab weeraro ay ku qaadeen qeybo ka mid ah deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Weerarada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi. Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle uu sheegay in tiro seddex jeer ah Al-Shabab ay weeraro ku qaadeen Janaale, islamarkaana ay ku dhinteen illaa 2 qof oo rayid ahaa. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan weeraradaasi iyo dagaallada xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamada milatariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites