Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo kordhisay ‘afduubka’ ay ka geysato Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sare u qaadeen afduubka ay ka geystaan gudaha dalka Kenya, inta badana ay beegsadeen shaqaalaha gargaarka ee ka howlgala qeybo kamid ah dalkaasi, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Booliska ayaa tilmaamay in deegaanada ugu badan ee Al-Shabaab ay ka geysteen afduubka ay hoos yimaadaan degmada Mandera ee gobolkaasi.

Al-Shabaab ayaa sanadkii la soo dhaafay oo kaliya 11 ruux ku afduubtay magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.

Si kastaba ha’ahaatee afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa maalin ka hor sheegay in dowladda Kenya ay ku raad joogto xogta dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba oo sanad ka hor Al-Shabaab ay ka afduubteen deegaano ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this