Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheikh Shariif oo bixiyay talooyin la xiriira Xakamaynta COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa talooyin ka bixiyay xakaynta xanuunka halista ah ee Coronavirus.

Mudane Sheikh Shariif ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay u hoggaansamaan talooyinka la xiriira ka hortagga faafidda xanuunka Coronavirus si loo xakameeyo khatarta cudurkaas

Wuxuu sheegay in xanuunka uu yahay Musiibo Caalami ah oo sameeyay dalal badan oo ku yaalla Caalamka kaasi oo aan halistiisa la dhayalsan Karin.

Sidoo kale madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayuu ugu baaqay in ay u midoobaan ka hortagga iyo xakamaynta xanuunkaas si uusan dalka ugu faafin.

 Waxa kale oo uu ku baaqay  in dadka laga helay Cudurka ay helaan Gargaar Caafimaad oo deg deg ah oo aan la karantiilin oo kaliya.

PUNTLAND POST

The post Sheikh Shariif oo bixiyay talooyin la xiriira Xakamaynta COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this