Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada Muqdisho oo soo bandhigay talooyin la xiriira Xakamaynta COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Madasha Xisbiyada Mucaaradsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray talooyin la xiriira ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka Coronavirus si looga gaashaanto in cudurkaas uusan ku faafin dalka.

Madasha ayaa soo jeediyay in dadka Soomaaliyeed dowlad iyo shacabba loo midoobo ka hortagga iyo xakamaynta faafidda xanuunka COVID-19 oo dunida dhibaato ba’an ku haya islamarkaana kiisas kamid ah laga helay gudaha dalka.

Madasha Xisbiyadu waxay sidoo kale dowladda Soomaaliya u soo jeediyeen in ay dalka keento agab caafimaad oo ku filan ka hortagga iyo xakamaynta cudurkaas sidoo kalena ay badiso xarumaha lagu karantiilo dadka xanuunka laga helo si loo dardar geliyo ka hortagga faafidda COVID-19.

Sidoo kale Madasha Xisbiyadu waxay soo jeedisay in dhammaan hay’adaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee dalka ay u midoobaan dadaallada lagu xakamaynayo faafidda cudurka Coronavirus.

QORAALKA-XISBIYADA.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madasha Xisbiyada Muqdisho oo soo bandhigay talooyin la xiriira Xakamaynta COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this