Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo shaacisay in dadkii u horreeyay Kismaayo laga helay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa xalay shaaciyay in labadii kiis ee u horreeyay xanuunka Coronavirus laga helay gudaha Jubaland gaar ahaanna magaalada Kismaayo.

Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa laga soo xigtay in laba ruux oo ku sugan magaalada Kismaayo laga helay cudurka COVID-19 kadib markii ay soo baxday natiijada baaritaan lagu sameeyay oo loo qaaday magaalada Muqdisho.

Wasiir Darwiish oo ah guddoomiyaha guddiga ka hortaga Coronavirus ee Jubaland ayaa tilmaamay in labada qof ee laga helay cudurka lagu karantiilay isbitaalka Kismaayo halkaasna lagula tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Iyana xalay shaacisay in shalay oo keliya 32 kiis oo Coronavirus ah laga diiwaan-geliyay magaalada Muqdisho halka 2 kiis laga diiwaan-geliyay Hargeysa midna magaalada Boorama.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in wadarta guud ee kiisaska laga diiwaan-geliyay dalka ay dhan yihiin 60 kiis waxaana haddii 2-da kiis ee Jubaland lagu daro ay noqonayaan 62 xaaladood.

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo shaacisay in dadkii u horreeyay Kismaayo laga helay Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this