Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo mas’uuliyiin cusub magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
  • FB_IMG_15868137778172390.jpg?w=1000&ssl=Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa guddoon cusub u magacaabay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa Faarax Cabdi Macallin loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada Guriceel, halka Cabdishakuur Axmed Faarax Dhimbil loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda iyo amniga, sidoo kale Cabdirisaaq Cabdullaahi Faarax ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada degmadaas.

Madaxweynaha Galmudug ayaa faray dhammaan hay’adaha kala duwan ee amniga Galmudug inay la shaqeeyaan guddoonka cusub ee Guriceel, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Hoos ka eeg wareegtada magacaabista

FB_IMG_1586813008495.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Galmudug oo mas’uuliyiin cusub magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this