Deeq A. Posted April 13, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland Maxmaed Warsame Darwiish oo ah guddoomiyaha guddiga ka hortaga Caabuqa Corona Virus ee Jubbaland ayaa sheegay in labo ruux oo laga helay COVID-19 lagu karantiilay Isbitaalka magaalada Kismaayo halkaasna lagula tacaalaayo. Mr Darwiish oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in ay xaaladooda caafimaad aad ula socon doonan bukaanadaas. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tilmaamay in ay ku xaqiijiyeen baaritaano sax ah oo ay ka qaadeen. Labadaan ruux ayaa noqonaaya kuwii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in ay qabaan xanuunka COVID-19 ee kusugan meel kamid ah dowlad goboleedka Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites