Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada oo baaq la xariira COVID-19 u dirtay DF, ganacsatada, shacabka iyo beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa talooyin dhowr ah loogu soo jeediyey, dhinacyada dowladda dhexe, shacabka, ganacsatada iyo Beesha Caalamka.

Ugu horeyn Madasha ayaa dowladda federaalka kula talisay in wixii taag iyo tabar ah ay isugugeyso la tacaalidda iyo ka hor tagga faafitaanka cudurka COVID-19. Isla markaanada aabaabul xoog leh ku sameyso qaybaha kala duwan ee bulshada si loo mideeyo cududa shacabka loogana hortago faafidda cudurkan.

Sidoo kale Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dowladda ka dalbaday in ay ka hawlgasho sidii loo keeni lahaa guud ahaan dalka, agabka caafimaad ee lagula dagaalo faafidda xanuunkan Coronavirus. Sidoo kale DF ay iskaashi wadashayn ah la sameyso hey’adaha dowlad goboleedyada, si wadajir ahna looga hortago faafidda cudurka Coronavirus.

Qoraalkan kasoo baxay Madasha ayaa dowladda federaalka looga dalbaday in canshuur dhaaf loo sameeyo waxyaabaha daruuriga ah sida raashinta, daawada, shidaalka iwm. Sidoo kalena la badiyo xarumaha baarista cudurka iyo goobaha karaantiilka si loo dardargeliyo ka hortagga COVID-19.

Madasha ayaa dowladda federaalka u soo jeedisay in ay sameyso sanduuqa taakuleynta ka hor tagga Coronavirus, ciidamada dowladana loo sameeya daryeel gaar ah si uusan cudurkan u wiiqin amniga dalka iyo dadka.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeedkan shacabka Soomaaliyeed uga dalbatay in ay dhaqangeliyaan tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka iyo in xilligan adag ay is caawiyaan caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

In ay isbedel ku sameeyaan hab nololeedkooda xag bulsho, iyo xag dhaqan-dhaqaale iyaga oo tashiilanaya dhaqaalahooda si ay ugu diyaar garoobaan saameynta uu yeelan karo la dagaalanka iyo ka hor tagga cudurka COVID19, badiyaana baryada Alle.

Mashada ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ka dalbatay in ay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan soo dhoofinta waxyaabaha daruuriga ah, isla markaasna ay maalgashi gaar ah ku sameeyaan wax soosaarka gudaha dalka. Qiimo dhimisna ay ku sameeyaan dhammaan waxyaalaha daruuriga ah sida raashinka, daawada, shidaalka iwm.

Ugu dambeyntii qoraalkan kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu yiri, “Waa in Beesha Caalamka laga codsado kaalmo mug leh oo ay ugu deeqaan shacabka Soomaaliyeed , kuwaas oo isugu jirta farsamo, dhaqaale iyo qalab caafimaad. Si gaar ahna loo caawiyo xoogsatada, dadka danyarta ah iyo barakacayaasha. Sidoo kalena laga codsado in ay hakad geliyaan kala bedelka shaqaalaha ajnabiga ah iyo isbedelka ciidamada AMISOM si looga hor taggo in cudurka Coronavirus uu ka soo gudbo wadamo kale”.

11.png 22.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this