Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor-Qoor oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in ay u diyaar-garoobeen sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada maamulkaasi.

Qoor-Qoor oo ka hadlayey xaflad uu xilka ugala wareegayey madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa bulshada iyo maamulka ku boorriyey in ay mideysnaadaan, si looga dul-qaado dhibaatooyinka ay ku hayaan Xarakada Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa balan qaaday inuu gogol u dhigi doono, si ay qeyb-uga qaatan xalinta khilaafyada ka dhexeeya qaar ka mid maamullada dalka iyo dowladda dhexe, taasi oo horay loogu soo guuleystay dib u hishiisinta bulshada Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this