Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo baadi goobeyso dhaqaatiir u ‘afduuban’ Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa hal sano kadib sheegtay inay wali ku howlan tahay baadi goobka dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba oo Al-Shabaab ay ka soo afduubteen dalkaasi.

Dhaqaatiirtaan oo lagu kala magacaabo, Landry Rogriguez iyo Assel Herrera ayaa xilliga la afduubanayay waxay la socdeen kolonyo ku sii jeeday isbitaalka magaalada Mandera.

Intaasi kadib kolonyada ayaa waxaa mar-qura weerar ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo toogasho ku dilay ilaaladii la socotay, kadibna kaxeystay labada dhaqtar.

Afhayeen u hadlay  Kenya oo lagu magacaabo, Cyril Oguna ayaa sheegay in ay ka war hayaan xaaladda dhaqaatiirtaasi, islamarkaana ay ku howlanyihiin bad-baadintooda.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka geysta qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee wadanka Kenya, waxaana afduubkaan uu ka mid yahay afduubyo ay horay ugu geysteen shaqaale caafimaad oo ka howlgalayey gobolkaasi oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this