Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo maanta shaacisay kiisas Coronavirus ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda hormarinta cafimaadka maamulka Somaliland, Mudane Cumar Cali Cabdullaahi (Badde) oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay dad hor leh oo laga helay caabuqa Corona, kuwaas oo uu tiradoodu ku sheegay illaa saddex qof.

Wasiir Bade ayaa shaaciyey in saddexda qof, labo ka mid ah lagu hayo magaalada Hargeysa, halka midka kalena lagu karantiilay magaalada Boorama ee G/Awdal.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland ay dadaal ugu jirto sidii loo xakameyn lahaa faafitaanka cudurka COVID-19.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/cc.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this