Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo gudoomiyey shir ku saabsan Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee dalka waxa uu la qaatay culimo, dhakhaatiir, ganacsato iyo madaxda hay’adaha dowladda ee qaabilsan caafimaadka, wacyigelinta iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa warbixino ku saabsan saameynta cudurkan safmarka ah uu ku leeyahay nolasha dadkeenna ka dhageysta Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Sidoo kale, Kulankan oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Guddiga Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Golaha Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa Madaxweynuhu waxa uu u soo bandhigay wel-welka ku aaddan sida shacabka Soomaaliyeed aysan wali ugu baraarugsanayn halista faafidda cudurka COVID-19.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba ina saaran marxaladdan adag, iyada oo ay lagama maarmaan tahay in aan dadaal, talo iyo tabarba isugu geyno samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo xubnahan uu la kulmay in ay xoogga saaraan sidii la isu waafajin lahaa ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka iyo fududeynta culeysyada nololeed iyo dhaqaale ee ka dhalanaya dadaallada xakameynta cudurkan halista ah.

Image may contain: 1 person, table and indoorImage may contain: 1 person, suitImage may contain: one or more people and closeupImage may contain: one or more people, suit and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this