Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia:Wasiir u geeriyooday Xanuunka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   
Somalia:Wasiir u geeriyooday Xanuunka Coronavirus
 2020412637222709782641494.jpg
Wasiiru dowlihii Wasaaradda cadaaladda Maamulka Hirshabeelle Khaliif Muumin ayaa maanta xanuunka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Dhimashadiisa ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay Maamulka madaxtooyada Hirshabeelle Marxuumka ayaa kamid ahaa labo bukaan oo ay wasaaradda caafimaadka Somalia sheegtay inay xaaladooda aad u liidato.

Dhowr maalmood kahor ayaa la dhigay isbitaalka, isagoo kamid ahaa 9 qof oo cudurka laga helay. Waxaase isagu cudurkaan uu  ku haleelay magaalada Jowhar.

Waa qofkii ugu horeeyay oo masuulintii Somalia ka mid ah oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Soomaaliya. Sidoo kale waa bukaanki labaad oo cudurka u dhinta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this