Deeq A. Posted April 12, 2020 Allaha u naxariistii waxaa maanta isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiiru dowlihii wasaaradda Cadaalada Hirshabelle, Xildhibaan Khaliif Muumin, kaas oo muddooyinkii la soo dhaafay la xanuunsanaa cudurka Coronavirus. Geerida ku timid mas’uulkaasi ayaa waxaa Shabelle uga warbixiyey, wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka HirShabelle, Mudane Muxudiin Mukhtaar Macalin. Marxuumka ayaa noqonaya qofkii labaad ee cudurka Coronavirus ugu geeriyooda gudaha magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/cod.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites