Sign in to follow this  
Deeq A.

ITOOBIYA oo ‘halis weyn ku heysa’ shacabka gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka  HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in haatan maalkaasi ay halis weyn uga imaaneyso dalka Itoobiya oo xad Soomaaliya kala leh dhanka gobolka Hiiraan.

Sheekh Cismaan oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay inuu weli furan yahay xadka labada dal, islamarkaana maalin weliba laga soo galiyo Qaad fara badan, isaga oo tilmaamay inay halkaasi ka imaan kato halis caafimaad, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in madaxda HirShabelle ay ka aamuseen inay ka hadlaan ama wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi, si looga hortaga cudurka Coronavirus.

Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabele oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dalbaday dowladda federaalka inay xirto dhaq dhaqaaqa deegaanada ku yaalla xadka.

“Halista ugu weeyn ee ku soo socota dadka Hiiraan waxaay uga imaaneeysaa dhinaca dalka aan dariska nahay ee Ethiopia oo xadkiisu nagu furanyahay, madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle waay ka aamuseen inaay ka hadlaan, waxaan baaq adag u dirayaa hay’ada socdaalka iyo madaxda qaranka inaay naga xeraan xadka dhanka Itoobiya, ciidanka qaranka iyo AMISOM ee jooga Hiiraan waay ka gaabiyeen inaay wax ka qabtaan halista caafimaad ee kusoo wajahan dadka, xiligaan oo laga baqaayo Karoona faayris ma ahan in aan furano xaduudaha” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Hadalkaan ayaa imaanaya, iyadoo maalin walba magaalada Beledweyne ay soo galaan gaadiid badan oo sida Qaad ka yimaada dhinaca dalka Itoobiya, islamarkaana si caadi loogu iibiyo magaaladaasi oo ay ka howlgallaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this