Deeq A. Posted April 12, 2020 Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin doonayey inuu isku qarxiyo magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa Shabelle u sheegay in ay u suurta-gashay inay ninkaasi qabtaan, kaas oo haatan ku xiran xabsiga Dhuusamareeb. Sidoo kale laamaha amniga ayaa sheegay in ninkaasi laga soo diray degmada Ceelbuur, islamarkaana uu qaab sahmin ahaan ah u joogay gudaha magaalada Dhuusmareeb Ciidamada Danab ayaa sidoo kale ku guuleystay inay qarxiyaan waxyaabo qarxa oo la sheegay in ninkaasi uu doonayey inuu ku weeraro xarunta maamulka Galmudug. Sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii ayey aheyd markii sidaan oo kale ciidamada maamulka Galmudug, gaar ahaan kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ay gacanta ugu dhigeen nin doonayey in qarax is-miidaamin ah uu ka geysto degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. View the full article Share this post Link to post Share on other sites