Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir raalli-galin ka bixiyey qaraal buuq dhaliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid ka mid ah Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa raalli-galin ka bixiyey qoraal buuq dhaliyey oo maanta ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in uu ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha uu ka raalli-galinayo, wixii khalad ahaa ee ku jiray qoraalkaas.

FB_IMG_15866330541807331.jpg?w=1000&ssl=Wasiir Aadan Isaaq

Sidoo kale Wasiir Aadan ayaa xusay in
talaabo anshax marin ah laga qaaday cidii ku lug laheyd qoraalkaas.

“Waxaan Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo si gaar ah Gabdhaha Soomaaliyeed uga raalli-galinayaa wixii khalad ahaa ee ku jiray warqadii sida khaldan loo geliyey Warbaahinta iyadoo aanay ogoleyn Madaxda Wasaaradda, waxaa talaabo anshax marin ah laga qaaday cidii ku lug laheyd” ayuu ku yiri qoraalka Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya.

Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhaleeceyn kala kulantay qoraal xayeysiis shaqo ah oo labo wariye oo haween ah loogu rabay Telefishinka Qaranka.

Laba ka mid ah shuruudaha shaqada ayaa dadku aad uga falceliyey, kuwaas oo ahaa in haweenayda loo baahan yahay dherer ahaan, miisaan ahaan iyo muuqaalba leedahay qaab Talefishin iyo sidoo kale in ay leedahay hub-qad wanaagsan.

Kadib markii khuburo saxaafadeed iyo dad kale ay aad uga falceliyeel qoraalkaas oo loo arkay takoor ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya dib u saxsay qoraalkeedii, balse raalli-galin toos ah kama bixin, marka laga reebo hadalka Wasiir ku xigeenka.

Hoos ka eeg labadii qoraal ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya

FB_IMG_15866032534020233.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15866074088020111.jpg?w=1000&ssl=



PUNTLAND POST

The post Wasiir raalli-galin ka bixiyey qaraal buuq dhaliyey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this