Deeq A. Posted April 11, 2020 Warar soo baxaya ayaa sheegaya in barqanimadii maanta albaabada la’isugu laabay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, sababo la xariira cudurka Coronavirus. Ilo caafimaad oo lagu kalsoon-yahay ayaa Shabelle u sheegay in la joojiyey qaabilaAda bukaanada maalin walba tagi jiray isbitaalkaasi. Wararka ayaa sheegaya inay furan tahay kaliya qeybta gargaarka deg-dega ah oo loogu-talagalay dadka dhaawacyada qaba iyo haweenka Umulaya. Arrintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii ay shalay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay illaa 9 kiis oo cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay yihiin howlwadeeno ka shaqeynayey isbitaalka Digfeer ee M/ Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites