Deeq A. Posted April 11, 2020 Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez ayaa shaaciyay in ururka uu dowladda federaalka ugu deeqay lacag dhan 27 Milyan oo Euro, taas oo loogu tala-galay xakameynta cudurka Coronavirus. Nicolas Berlanga Martinez oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ballan qaaday in Midowga Yurub uu Soomaaliya ka taageerayo la dagaalanka COVID-19. Midowga Yurub ayaa horay u sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale ay ku taageeri doonaan dhaqaale badan, si dalalkaasi ay ugu fududaato xakameynta COVID-19. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka uu saameeyey cudurka, waxaana wasaaradda caafimaadka ay xaqiijisay illaa kiisas gaaraya 21 qof oo xaalad karantiil ah ku jira. View the full article Share this post Link to post Share on other sites