Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhakhaatiir Digfeer Ka Tirsan Oo Laga Helay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Bahda caafimaadka iyo dhakhaatiir ku hawlanaa daaweynta iyo kalkaalinta bukaanka ayaa ka mid ah dadka uu haleenay cudurka Coronavirus.

Ilo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyey in 3 ka mid ah dhakhaatiirka Digfeer laga helay cudurka, kuwaas oo hadda la karantiiley, lana tacaalayo.

Sida ay jimcihii sheegtay wasaaradda caafimaadka 9 qof oo bukaan oo oo baaris lagu sameeyey waxaa Covid 19 laga helay 9 qof.

Dadkaas laga helay waxaa ku jira wasiir ka tirsan Hirshabeelle iyo 7 sarkaal caafimaadka ka shaqeeya, 2 wasaaradda caafimaadka ah iyo 5 ka shaqeeya isbitaalada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this