Sign in to follow this  
Deeq A.

Halis aan ka yareyn mida COVID-19 oo ‘ka imaan karta’ Bandowga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan cudurka faafa ee Coronavirus oo ku sii kordhaya gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa soo hadal wararka sheegaya in bandow lagu soo rogi doono magaalada Muqdisho, si loo xakameeyo faafitaanka cudurkaasi, wuxuuna tilmaamay haddii tallaabadaasi qaado dowladda ay saameyn ku yeelan karto dadka danta-yar.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in saddexdii sano ee la soo dhaafay dadka degan magaalada Muqdisho ay la daala dhacayeeen jidad xiran iyo cuuryaamin dhaqaale, islamarkaana haddii maanta loogu daro bandow dhinac walba ah uu sababi karo halis aan ka yareyn mida cudurka faafa ee COVID-19, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn kula taliyey madaxda dowladda in ay dib ugu laabtaan talaabooyinka nuucaan oo kale ah, islamarkaana ay raadiyaan qaabab-kale oo lagu wada ilaalin karo bad-qabka shacabka iyo nolosha dadka danta-yar ee muruq maalka ah.

Halkaan hoose ka aqriso qoraalka xildhibaan Mahad Salaad:-

Dad badan oo muruq maal ah ayaa maalin walba u soo xamaalasho taga magaalada Mogadishu, shilimaadka maalintaas ay helaan ayayna ku dabaraan noloshooda iyo mida qoysaskooda.

Magaalada Mogadishu muddo sadex sano ah ayay la daalaa dhacaysaa jidad xiran iyo cuuryaamin dhaqaale, in maanta loogu daro bandow dhinac walba ah waxay halis aan ka yarayn mida cudurka Covid 19 ku keeni kartaa nolosha dadkaan muruq maalka ah!

Sidaas daraadeed, waxaan kula talinayaa madaxda sare in ay dib ugu laabtaan tilaabooyinka nuucaan oo kale ah, lana helo qaab kale oo badqabka shacabka iyo nolasha dadkeena danyarta ah loo wada ilaalin karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this