Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed xooggan oo ka socda Xeebta Waqa-deriya ee gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   
waqa-deriya.jpg?w=1000&ssl=1Xeebta Waqa-deriya

Wararka ka imaanayaa gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in dagaal beeleed xooggan uu saaka oo sabtiya ka socdo degaan-xeebeedka Waqa-deriya oo galbeed kaga beegan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Dagaalka oo arroornimadii hore ee saaka bilowday, ayaa sida la sheegayo u dhexeeya malayshiyaad ka kala tirsan laba beelood oo halkaasi wada deggan, kuwaas oo sannadihii u dambeeyay dagaallo kala duwan dhex mareen.

Warbaahinta Puntland Post, oo macluumaad sugan ka raadisay khasaaraha dagaalka, ayaan weli xog faahfaahsan ka helin, maadaama ay aad u liidato isgaarsiinta degaanka, islamarkaana aysan jirin cid kale oo laga xaqiijin karo khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Maamullada Puntland iyo Somaliland, oo ay ka soo kala jeedaan labada beelood ee dagaallamaya, ayaan midkoodna weli ka hadlin, dagaalka saaka ka socda degaan Xeebeedka Waqa-deriya ee gobolkaasi Sanaag.

PUNTLAND POST

The post Dagaal beeleed xooggan oo ka socda Xeebta Waqa-deriya ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this