Sign in to follow this  
Deeq A.

Ex. wasiir Puntland oo geeriyooday iyo madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Doonyaale-ok.jpg?w=1000&ssl=1Marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf Doonyaale

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Wasiirkii hore ee Xannaanada Xooolaha Puntland, marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) oo ku geeriyooday dalka Hindiya oo uu xaalad caafimaad ujoogey.”

Alle ha u naxariistee, Marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) waxa uu ahaa haldoor Soomaaliyeed oo masuuliyado badan kasoo qabtay dalka, Soomaaliya waxa uu kasoo noqday Guddoomiye gobol iyo mid Degmo, Puntland waxa uu kasoo qabtay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasiiru Dowle Madaxtooyo iyo La-taliye Madaxweyne ee arrimaha Amniga ah. Sidoo kale waxa uu ku suntanaa ka shaqaynta xasiloonida, Amniga iyo horumarka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga tacsiyeeyay geerida marxuumka guud ahaan  shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka in uu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.

PUNTLAND POST

The post Ex. wasiir Puntland oo geeriyooday iyo madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this