Sign in to follow this  
Deeq A.

Najax oo si adag uga hadlay colaada ka taagan Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in aan la aqbali karin shaqsiyaadka ku howlan hurinta dagaal beeleeyada maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi.

Najax ayaa tilmaamay in dadka weli u sii han-qal taagaya daadinta dhiig hor leh ay ku qaban doonaan gacan bir ah,  iyaga oo kaashanaya dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in Wanlaweyn ay tahay, halka laga hoggaamiyo howlgallada ciidamada dowladda ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana socda dadaallo nabadeed oo looga hortagayo colaadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this