Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaxal-sugaha Imaaraadka Oo 3 Bilyan Oo Dollar Ku Bixiyey Shirqool Ka Dhan Ah Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Dhaxal-Sugaha Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed ayaa dowladda Suuriya ka dhaadhiciyey qorshe lagu burinayo xabad-joojinta gobolka Idlib ee kala dhaxaysa Turkiga, isaga oo u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, waxaas sidaas weriyey wargeyska Middle East Eye.

Maalmo ka hor kulan dhex-maray saraakiil Russia iyo Turkish ah oo lagu raadinayey heshiis xabad-joojin, ayaa 5-tii March waxa uu Mohammed Bin Zayed sarkaal sare oo lagu magacaabo Ali Al-Shamsi u diray magaalada Dimishq, si uu wada-xaajood ula galo madaxweyne Bashar Assad.

Bin Zayed ayaa Assad u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, si uu dib ugu billaabo howl-gallada iyo weerarada gobolka Idlib.

Assad ayaa loo horumariyey 250 milyan oo dollar oo kaash ah, ayada oo loo ballan-qaaday in ka hor dhammaadka bisha March la siin doono 1 bilyan oo dollar, ayada oo lacagta inta ka hadhsanna la bixin lahaa wakhti dambe.

Mohammed Bin Zayed ayaa qorshihiisa ka damacsanaa laba ujeedo, oo lagu wiiqayo saameynta Turkiga ee gobolka.

Qorshaha koowaad ayaa ahaa in Turkey dagaal dheer oo aan dhammaad lahayn lagu geliyo gobolka Idlib si askar badan lagaga dilo, islamarkaana caalamka loogu muujiyo inay dal kale duulaan ku yihiin, oo loo sumcad tiro.

Qorshaha labaad ayaa ahaa in dagaalkaas uu Turkey ka weeciyo qarashkii iyo kheyraadkii ay ku bixin lahayd Liibiya, oo ay taageerto dowladda dalkaas, halka Imaaraadka Carabta ay taageeraan jeneraalka fallaagada ah ee Khalifa Haftar.

Qorshahan ayaa waxaa ka war-helay madaxweynaha Russia Vladimir Putin, kaasi oo aad uga cadhooday. Putin ayaa kadib wasiirkiisa gaashaandhigga Sergei Shoygu u diray Dimishiq kuna armay inay joojiso qorshahan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this