Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ka Tirsan Maamulada Soomaaliya Oo Laga Helay Cudurka Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru-dowlaha Wasaarradda Cadaaladda Maamulka Hirshabeelle ee dalka Soomaaliya, ahna Xildhabaan ka tirsan Baarlamanka Maamulkaasi Khaliif Muumin Tooxow ayaa la xaqiijiyay in laga helay xanuunka COVID-19 , sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sheegay in baadhitaan la sugayay natiijadiisa dhowr saacadood,  kadib la xaqiijiyay in Wasiiru-dowlaha Cadaaladda Hirshabeelle uu hayo Xanuunka COVID0-19. Waxa uuna sidoo kale uu qeexay in hadda Hirshabeelle uu ka jiro walaac xooggan, maadaama Wasiirkan xanuunsanaya uu muddo ku jiranaa Hotel-kii uu ka deganaa Jowhar, sidoo kalena ay jiri karaan dad uu la macaamiilay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this