Sign in to follow this  
Deeq A.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Iyo Boqor Buurmadow Oo U Jawaabay Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Boqor Cismaan Buurmadow ayaa ka jawaabay hadalkii madaxweyne Biixi ee ahaa in madaxda dhaqanku ku eekaato arrimaha beelaha iyo dhaqankooda haddii ay siyaasadda ku milmaana ay u adkaystaan wixii kaga yimaadda.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo la hadlay wargeyska Geeska Afrika ayaa si kooban uga jawaabay hadalka madaxweynaha waxaanu yidhi “Madaxweynaha waxaan leeyahay arrintu meel aanay gaadhsiisnayn haddaad gaadhsiisaan waa fool xumo. Arrintu haddii meel aanu gaadhsiisnayn haddii aad gaadhsiisaan Qarankaa ka wada hadli doona,”

Dhanka kale Boqor Buurmadow ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook wuxuu ugu hanjabay madaxweyne Biixi oo uu ku eedeeyay kalitalisnimo.

Qoraalka Buurmadow ayaa u dhigan sidan:-

Waa maan bidde Iyo maan Barreey Waxaan.dhegaystay.khudbadii madxwaynahaha iyo hanjabaadii.aan loomeeldeyin ee uu ujeediyey Madaxdhaqameedka runtii madaxwaynuhu wuxuu nagu raacay in la dardargeliyo wada hadaladii Soomaliland iyo Soomaaliya waxaase hadalkiisa ka muuqatay keli talisnimo iyo cabsigelin sidaa si la mid ah wuxuu ugu hanjabaa dadka masaakiinta ah ee uu banaystay dhaca iyo boobka dhulkooda.

Wuxu iskudeyeyaa inuu dadka cabsigeliyo Si sharcidaro ah ama aanay cidina uga dabahadlin

Hadaba shacbiga aanu sharaftooda huwanahay waxaanu ubalanqaadaynaa Inaanu difaaci doono sharaftooda xuquuqdooda, Hantidooda waxaanu cid walba u cadaynaa in madaxwaynuhu. Ku sii siqaayo wadadii keligii taliyahii Maxamed Siyaad Barre

Sidaa awgeed shacbigu haw diyaar garoobeen Halgan dheer intay kaxaqiijiniyaan xoriyad u hadalka iyo doorasho xor iyo xalaal ah

Ilaahaybaa mahadleh

Waa maan bidde Iyo maan Barreey Waxaan.dhegaystay.khudbadii madxwaynahaha iyo hanjabaadii.aanloomeeldeyin ee uu…

Posted by Boqor Osman Buurmadow on Friday, April 10, 2020

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this