Deeq A. Posted April 10, 2020 Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dil xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo loo gaystay mid kamid ah Nabaddoonada Muqdisho. Dableey Bastoolado ku hubaysan ayaa fiidnimadii xalay gudaha gegmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku dilay oday Nabaddoon ah oo lagu magacaabi jiray Xaaji Shaahid Kheyrdoon sida laga soo xigtay goob-joogalayaal. Dilkaas ayaa ka dhacay Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka gaysatay ka hor inta aysan halkaasi gaarin ciidamo ka tirsan Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya oo hawlgallo ka sameeyay aagga dilkaas ka dhacay. Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda dilka Nabaddoonka inkastoo malayshiyaadka Al-shabaab looga bartay in ay weerarada noocaas oo kale ah ka gaystaan gudaha magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa Nabaddoon lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites