Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaraha Gaalkacyo oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
20200410_224836.jpg?w=1000&ssl=1Marxuum Cismaan Farey

Sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda laanta Puntland ayaa caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey) oo ahaa madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaraha Gaalkacyo ayaa isagoo salaadii maqrib weesaysanaya lagu dilay masjidka Hudda xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida maamulka gobolka Mudug ay u xaqiijiyeen warbaahinta Puntland Post.

Dilka waxaa geystay sida la sheegay dabley hubaysan oo aan haybtooda la garan, kuwaas ka baxsaday goobta dilku ka dhacay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Marxuum Cismaan Faray.

Ciidamada amniga Pumtland ayaa magaalada Gaalkacyo ka wada howlgal lagu baadigoobayo ciddii geysatay falkaas.

Sanadii u dambeeyay waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacayay ugaarsi lagu hayo masuuliyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda Puntland, iyadoo lagu dilay dad badan oo magac ku lahaa gobolkaas.

PUNTLAND POST

The post Madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaraha Gaalkacyo oo la dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this