Deeq A. Posted April 10, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in la xaqiijiyey sagaal qof oo hor leh oo ku sugan magaalada Muqdisho, islamarkaana uu ku dhacay cudurka halista badan ee Coronavirus. “Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda. Sida lagu xusay qoraalka wasaaradda ka soo baxay, 6 ka mid ah dadka laga helay cudurka ayaa ah “dad horey xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horey cudurka looga helay.” Sidoo kale dadka cudurka laga helay ayaa waxaa ku jira laba sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar qof. Tirada cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa hadda ah illaa 21 ruux, iyadoona qof ka mid ah dadkaas uu geeriyooday Arbacadii la soo dhaafay Hoos ka akhriso bayaanka View the full article Share this post Link to post Share on other sites