Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Guriceel oo amaro culus soo rogay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (SMN) – Taliska Booliska Guriceel ayaa maanta soo rogay amarro cusub oo la sheegay in lagu xoojinayo nabad-gelyadda.

Daahir Faarax, taliyaha bileyska degmadaas oo u waramay warbaahinta, ayaa sheegay in go’aanada ay yihiin kuwa fulin doono.

Wuxuu tilmaamay in amarada ay soo rogeen ay qeyb ka tahay in aysan dadka u safri karin degaanada ay maamusho Al-Shabaab.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa’id, wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey in hadii dadka ay aadaan muhiim tahay in ay soo gudbiyaan.

Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in qofka looga baahan yahay inuu soo ogeysiiso maamulka marka uu dib ugu soo laabanayo Guriceel.

Cid walba oo u hogaan-sami weyda talaabadaas ayuu hoosta ka xariiqay in ay ka qaadi doonan talaabo sharciga waafaqsa.

Hoos ka dhageyso codka taliyaha

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Guriceel.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this