Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan in Coronavirus si deg deg ah muqdisho ugu faafo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya, ayaa walaac xooggan ka muujisay faafidda cudurka Coronavirus oo laga cabsi qabo in uu si xawliya ugu faafo magaalada Muqdisho.

Dr. jalaaludiin Yuusuf Axmed oo ka tirsan saraakiisha sare ee  Wasaaradda Caafimaadka  dowladda federaalka oo wareysi siiyay warbaahinta lagu magacaabo  DALSAN, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay wajihi doonto todobaadyo xanuun badan oo cudurka Coronavirus uu dad badan soo rito

Muqdisho waxey wajahi doontaa todobaadyo xanuun badan dad badan buu so ridan doonaa Carona wasaarada Caafimaad shaqaalaheeda badankood baaritaan baa la marsiiyey maadama 2 naga mid ah laga helay Natiijada wa arkeynaa “ ayuu yiri Dr. jalaaludiin.

Sarkaalkaas ayaa tilmaamay in dowladdu ay soo rogi doonto go’aanno adag oo lagu xakamaynayo faafidda deg deg ah ee COVID-19, kuwaas oo ay kamid noqon karaan in dhammaan la mamnuuco isu-imaatinada dadweynaha, islamarkaana albaabada loo laabo masaajidda iyo goobaha cibaadada.

Hadalka Dr. jalaaludiin ayaa ku soo beegmay, xilli shalay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay in qofkii u horreeyay Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus, iyadoo isla shalay afar kiis oo horleh laga helay gudaha Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan in Coronavirus si deg deg ah muqdisho ugu faafo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this