Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad colaadeed oo ka aloosan degmada Xuddun ee gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   
sawir-hore.jpg?w=1000&ssl=1Sawirkani maaha Xudun ee waa mid hore

Xiisad colaadeed ayaa saaka oo Arbaco ah ka aloosan degmada Xuddun ee gobolka Sool taasi oo ka dhalatay nin lagu dilay nawaaxiga degmadaas.

Dilka ninkaas ayaa xiisad ka dhex abuuray dadka degaanka kadib markii ehelada marxuumku ay dalbadeen in loo soo gacan-geliyo dadkii ka dambeeyay dilkiisa balse ay arrintaas lagu guulaysan waayay.

Malayshiyaad hubaysan oo ka soo kala jeeda dhinacyada xiisaddu u dhexayso ayaa lagu soo warramayaan in ku wada sugan yihiin degmada Xuddun waxaana laga cabsi qabaal dagaal halkaasi ka qarxa.

Waxgaradka iyo odayaasha degmada Xuddun ayaa dhankooda ku hawllan sidii loo qaboojin  lahaa xiisadda colaadeed ee degaanka ka aloosan si looga baaqsado isku dhacyo qabiil

PUNTLAND POST

The post Xiisad colaadeed oo ka aloosan degmada Xuddun ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this