Sign in to follow this  
Juje

They punish looters while they them self looted + PICS.

Recommended Posts

Juje   

Xarakada Alshabaab oo xukun garbaash ku fuliyay dhalinyaro reer Jowhar ah

 

Xarakada Alshabaab ayaa xukun garbaash ku fuliyay ilaa afar dhalinyaro oo ay howl galo ku soo qab qabteen, iyadoo Maxkamad la soo taagay dhalinyaradaas lagu xukumay min 33 garbaash.

 

Qaadiga Maxkamada Shabaab ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in dhalinyarada lagu xukumay xukunka garbaash lagu soo qabtay iyadoo falal xatooyo ka waday Xarunta UNICEF.

 

"Dhalinyaradan Xukunka tacsiirka lagu xukumay waa dhamaan reer Jowhar, waxayna ciidamada xisbada soo qabteen iyagoo falal xatooyo ku hayay hanti guud, sidaas darteed hanti gaar ma aheyn waxay xadeyeen, meeshaas UNICEF la yiraah bey wax ka soo qaateen"ayuu yiri Sarkaalka Maxkamada qaadayay ee Xarakada Alshabaab.

 

Inkastoo dhalinyaradan lagu fuliyay min 33 garbaash ayaa hadana waxaa horay u jirtay in wixii agab ee muhiimsanaa ay Ciidamada Shabaab horay ugu bililaqeysteen Xarunta UNICEF , kadib markii ay la wareegeen Magaalada Jowhar.

 

Boqolaal dadweyne oo ka kala yimid Xaafadaha ku yaal magaalada Jowhar ayaa ka qeyb galay goobta fagaaraha ee dhalinyaradaas lagula fuliyay garbaash, iyadoona markii u horeysay tahay xukun ceynkan oo kale ah oo Shabaabka Jowhar ka fuliyo.

 

Ka sokow xukunkan garbaashka ayaa waxaa sii wehliyy xukuno kale oo ku dhisan salfudeednimo, kaasoo ay fuliyaan ciidamada Shabaab mararka ay marayaan wadooyinka magaalada, waxaana dhalinyarada qaar ay ka cararaan marka ay sii arkaan askari shabaab ah oo magaalada dhex socda, gacantana ku watay jeydal garabkana ku sita qori.

 

garbaash-shabab.jpg

 

garbaash-shabab1.jpg

 

garbaash-shabab2.jpg

 

SOURCE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this