Deeq A. Posted April 7, 2020 Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ku dilay dhaqtar magaciisa lagu sheegay Xasan Xaayoow. Falkaas khaarijinta ah ayaa lagu waramay in uu ka dhacay degmada Yaaqshiid gaar ahaan halka loo yaqaano Suuq bacaad. Marxuumnka oo ku xeeldheeraa daaweynta Shubanka ayaa la sheegay in lagu beegsaday nawaaxiga goobtiisa shaqo. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay in ay baxsadeen dableydii ka dambeysay falkaas oo wararku sheegayaan in ay wateen AK47. Ma jirto koox sheegatay falkaas. Sidoo kale, laamaha ammaanka ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadaas oo hadalheyn dhalisay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites