Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhakhtar caan ahaa oo caawa lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa caawa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku dishay nin dhakhtar ahaa, kaas oo sida la sheegay caan ka ahaa degmada Yaaqshiid oo uu deganaa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka dhakhtarka  uu si gaar ah uga dhacay gudaha Suuq lagu magacaabo Miijiska oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, waxaan la sheegay in kooxdu ay dhowr xabadood uga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa.

Marxuumka ayaa isla goobta ku geeriyooday, sida ay noo sheegeen dadkii ku soo baxay, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilka u geystay.

Dhakhtarkan la dilay oo aad looga yaqaanay degmada Yaaqshiid ayaa lagu magacaabi jiray Dr. Xasan Xaayow, waxuuna daaweyn jiray caruurta iyo dadka uu ku dhaco cudurro uu ka mid yahay Shuban biyoodka, waxuuna xarun caafimaad ku lahaa Suuq-Bacaad.

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa dilka dhakhtarka kadib goobta gaaray, waxayna halkaas ka biklaabeen baaritaano, aan illaa hadda la shaacin cid lagu soo qabtay.

Lama yaqaan cidda dishay marxuumkaas, mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa.

Muqdisho ayaa in mudo ah marti gelineysay dilal qorsheysan, waxaana intooda badan mas’uuliyadooda sheegta ururka Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this