Deeq A. Posted April 7, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in kiis cusub oo Coronavirus ah laga helay Muqdisho. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu shaaciyey fahfaahinta bukaanka oo da’diisa lagu sheegay 58-sano jir. “Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan. Tirada guud ee la xaqiijiyey: 8 Tirada bogsashada : 1 Tirada dhimashada : 0,” ayaa lagu yiri. Sikastaba ha ahaatee, hadalka wasaaradda ayaa kusoo aadaya xili maanta ay ku dhawaaqdey in ay hirgelisay qalab lagu ogaado fayruska dilaaga ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites