Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiis cusub oo Coronavirus ah oo laga helay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in kiis cusub oo Coronavirus ah laga helay Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu shaaciyey fahfaahinta bukaanka oo da’diisa lagu sheegay 58-sano jir.

“Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan. Tirada guud ee la xaqiijiyey: 8 Tirada bogsashada : 1 Tirada dhimashada : 0,” ayaa lagu yiri.

Sikastaba ha ahaatee, hadalka wasaaradda ayaa kusoo aadaya xili maanta ay ku dhawaaqdey in ay hirgelisay qalab lagu ogaado fayruska dilaaga ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this