Deeq A. Posted April 7, 2020 Garowe (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu khilaaf kala dhaxeeyo hogaamiyaha maamulkaas. Karaash oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in ay Saciid Cabdullaahi Deni isku qabteen isbedel lagu sameeyo Golaha Wasiiradda. Warbaahinada faafinaya xogaha noocaas ah ayuu ku waaniyey in ay xishoodaan isla markaana ka fogaadaan been abuurka. Dadweynaha ayuu ku booriyey in aysan dhageysan wararka aanan kasoo bixin ilaha saxda ah ee dowlad goboleedkaas. Todobaadyaddii lasoo dhaafay waxaa taagneyd hadlaheyn ku saabsan in uu muran u dhaxeeyo Deni iyo Karaash isla markaana ay ku kala kaceen kulamo dhexmaray. View the full article Share this post Link to post Share on other sites